Wararka

Mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay duleedk Balcad.

Qaraxa oo ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso ayaa qabsatay Mid ka mid ah Gaadiid uu la socday Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe xilli ay ka baxeen Balcad,isla markaana ay marayeen Tuulada Gololeey Daa’uud oo ku taalla inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Saddex Ruux oo ka mid yahay Wasiir hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye iyo Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmafa Balcad & Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay gareen halka uu qaraxa ka dhacay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close