Wararka

Wasiir Godax oo dalka Oman shir kaga qayb galaayo.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa gaaray Magaalada Muscat ee dalka Oman si uu halkaasibkaga qayb galo shirka MENA INNOVATION oo ay qeyb kayihiin Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalalka Carabta.

Wasiir Godax ayaa waxaa dalka Oman kusoo dhaweeyay masuuliyiin kabtirsan safaradda Soomaaliya ee dalka Oman waxaa uuna u mahad celiyay masuuliyiinta safaaradda iyo madaxda dalka Oman sida heerka sare ee loo soo dhaweeyay.

“Waxaan caawa soo gaaray magaalada Muscat ee dalka Oman si aan uga qeyb galo shirka MENA INNOVATION oo ay qeyb kayihiin Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalalka Carabta.Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Oman iyo Dowladda Oman oo si diirran noogu soo dhaweeyay magaalada Muscat” ayuu yiri Wasiir Godax.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close