Wararka

Munaasabad Sagootin iyo Casho Sharaf isugu Jirta oo Loo Sameyey Raisul wasasre Khayre.

munasabad heer sare loosoo agaasimay oo ay ahayd mid isugu jirtay Casho Sharaf iyo Sagootin islamarkaasna lagu Sagootinayey Wafdi uu Hogaaminayey Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya Xasan Ali kheyre oo Maalmahaan Safar Shaqo ku Joogey dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Lagu Qabtay Xarunta aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo.

Xaflada Waxaa ka Qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Shekhuna maye, Wasiiro, Xildhibaano ka kala Tirsan Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, Odeyaal Dhaqameed iyo Marti Sharaf ayaa Sido kale kaso Qeybgalay munaasabadaan casha shaarfta aheyd.

Hobalada Fanaaniinta jinaawkey ayaa Soo Bandhigay Suugan Lagu Amaanayey Waxqabadka Raisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Ali kheyre.

Ra’isal wasaaraha dalka ayaa intii uu kusugnaa magaalada Baydhabo waxaa uu xariga ka jaran mashaariic horumarineed isagoo sidoo kale kormeer ugu tagay qaybo kamid ah ciidamada tababarada ugu socdaan Baydhabo.

Sidoo kale Ra’isal wasaare Khayre ayaa booqasha ku tagay Magaalada xudur ee Gobolka Bakol halkaas oo uu dhagax dhigay dhismaha Isbitaal iyo xaruma kale.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close