Wararka

Madaxweyne waare oo ku baaqay in lajoojiyo Dagaal beeleed kasoo cusboonaaday gobolka hiiraan.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isaga oo ku sugan magaalada Beledweyne ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaallo culus oo qeybo ka mid ah gobollka ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed.

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay waxgaradka labada dhinac ee dirirtu dhaxmartay in loo istaago sidii looga baaqsan lahaa dagaallo mar kale dhaca, isaga oo dhanka kalana ku tilmaamay dagaalladan kuwo fursad siinaya sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab iyo kooxaha nabadda ka soo horjeeda….Hada Si Aan Wax Ugu Ogaano Waxa u Salka ku hayo Dagaal beeleedka Kusoo Laalaabtay Gobolka Hiiraaan waxaan Khadka Telefooonka Kula Xiriirnay Nabadoon Jamaal Xaaji Cali  oo ka mid ah nabaddoonada gobolka Hiiraan

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO / DAAWO WAREYSIGA.

Wareysi: Nabadoon Jamaal Xaaji Cali oo ka mid ah nabaddoonada gobolka Hiiraan Oo Ugu Beeqay Beelaha Ku diriraya Gobolka Hiiraan In si deg deg ah Ku joojiyaaan.

Wareysi: Nabadoon Jamaal Xaaji Cali oo ka mid ah nabaddoonada gobolka Hiiraan Oo Ugu Beeqay Beelaha Ku diriraya Gobolka Hiiraan In si deg deg ah Ku joojiyaaan.

Posted by TUSMO TV on Saturday, 29 June 2019

 

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close