Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Oo Booqday Madxafka Caan Ka ah Dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa  booqday  Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong.

Ra’iisal waaare Ku-xeegnka ayaa sheegay in muhiimada ay taariikhdu leedahay ay tahay in wax laga barto waxaa uuna sheegay in asaga iyo wefdiga la socda in ay cashar ka qaadan doonaan.

“Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. aniga iyo wefdigii ila socday oo maalmahan hawlaha shaqo u joogay dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong “.  Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya.

Madxafka Shaoshan Mao Zedong ayaa qayb ka yahay goobaha ugu muhiimsan ee lagu keydiyo taariikhda dalka Shiinahaa si jiilalka isu bedelaya dalka ay u helaan taariikhdii uu dalku soo maray iyo waxyaabihii uu caanka ku ahaa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close