Wararka

KUDHAWAAD 300 arday OO DEEQ WAXBARASHO KA HELAY DALKA ITOBIYA OO XAFLAD SAGOTIN AH LOSAMIYAY.

Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliita Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka munsaabad sagootin ah ugu sameeyay 300 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka dowladda u Itoobiya u jooga Soomaaliya Jamaaludiin mustafa Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Itoobiya kula dardaarmay inay ka faa’ideystan fursada ay heleen.

Jamaaludiin mustafa Safiirka Dowladda Itoobiya u jooga Soomaaaliya ayaa ardayda u sheegay in ay u diyaara garoobaan in ay hormariyaan waxbarashadooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuummadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.Image may contain: 11 people, people sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 14 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close