Wararka

Hogaamiye Sare oo Ka tirsanaa Al-shabaab oo Isu Soo Dhiibay Dowlada.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen,Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa  Al-shabaab Kaa oo isu Soo dhiibay Ciidamada Dowlada.

Xuseen Xsan Ayaa La sheegay In Alshabaab Uu  u qaabbilsanaa abaabulka Kooxda kooxda jugta culus oo ah Koox ka Tirsan Alshabaab.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa Hogaamiye sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha  ayaa sheegay in isa soo dhiibista Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-shabaab , taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close