Wararka

Maxkamada dalka Gabon oo shaacisay xiliga la dhagaysan doona Kiiska barista Caafimaad ee madaxweynaha dalkaasi Gabon.

Maxkamad ku taala dalka Gabon ayaa dhowaan dhagaysan doonta codsi  ku aadan madaxweynaha dalkaasi Ali Bongo taas oo ah in la mariyo  tijaabooyin caafimaad si loo caddeeyo inuu taam u yahay xukunka  dalkaasi ka dib markii uu ku dhacay  cudurka istaroog sanadkii hore,  sida ay ka dhawaajiyeen qareennada dalkaasi.

Kiiskan ayaa waxa dhageysan doona maxkamada rafcaanka ee magaalada Libreville ee dalkaasi Gabon  laga bilaabo 26-ka Agoosto ee sanadkan.

Bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay,10 xubnood oo ka tirsan mucaaradka siyaasadeed ee dalkaasi Gabon       IYO bulshada rayidka ah ayaa gudbiyay dacwad ay ku codsanayaan in madaxweyne Bongo  la qiimeeyo xaaladiisa caafimaad  si loo arko  inuu caafimaad ahaan taam yahay inuu sii jogo xafiiska.

Qareenka u dodaya madaxweynaha dalkaasi Ali Bongo ayaa sheegay in kiiskan uu yahay mid sharci daro ah islamarkana madaxweyne joga xafiska aan laga gudbi Karin kiis noocan ah sidoo kalena ay baal marsan tahay sharciga u yaala dalkaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close