CiyaarahaWararka

Madaxweyne Farmaajo oo xulka qaranka Soomaaliya hambalyo u diray sidoo kalena wax badan ka ogoow kulankii galabta ee dadka ay wada sugayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay cayaartooyda xulka qaranka Soomaaliya ee “Ocean Stars” guusha ay u soo hooyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Inkastoo cayaartii ugu danbaysay ee lugtii labaad ee maanta dhexmartay iyaga iyo xulka Zimbabwe naadiga looga badiyay 3-1 haddana waxaa ay soo bandhigeen cayaar soo jiidatay indhaha taageerayaasha kubadda cagta ee adduunka.

Xulka cayaartooyda Soomaaliya ayaa cayaartii lugtii koowaad ku guulaystay hal iyo abar xili ay xulka Zimbabwe kula cayaareen dalka Jabuuti oo xulkeena u ahaa Gurigooda. Xulka Soomaaliya ayaa niyad wanagsan lahaa in ay maanta badiyaan balse nasiib wanag cayaarta oo qaybteedi hore ku dhamaatay eber iyo eber ayaa waxaa ay wax walb isbedeleen markii ay labada kooxood kasoo laabteen wakhtigii nasiinada.Xulka qaranka Soomaaliya

Ciyaarto markii ay mareysay daqiiqadii 77aad ayaa waxa xulka kubadda cagta ee Zimbabwe ay dhaliyeen goolka koowaad oo uu u dhaliyay Marshall munetsi.

Daqiiqadii 85aa ayaa waxaa goolka barbaraha u dhaliyay Soomaliya Cumar Maxamed,waxayna ciyaartu noqotay hal iyo hal Balse Daqiiqadii 86 ayaa waxaa goolka labaad Zimbabwe u dhaliyay ciyaaryahanka Admiral Muskwe,waxayna ciyaartu noqotay 2 iyo 1:

Daqiiqadii 90 ayaa waxaa Soomaaliya laga dhaliyay goolkii 3-aad oo uu dhaliyay Khama Billiat ciyaartii ayaaba ugu danbeyn  ku dhammaatay 3 iyo hal sidaasi ayayna guushu ku raacday Zimbabwe.Natiijada sawirka somalia vs zimbabwe

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close