Wararka

Garoowe oo maanta lagu wada in laga fura Shir looga hadlayo arrimaha Siyaasadda iyo Amniga dalka.

Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, waxaa maanta ka lagu wadaa in laga fura Shir looga hadlayo arrimaha Siyaasadda iyo Amniga dalka waxaana ka qaybgalaayo madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada garoowe shalay gelinkii dambe, halkaas oo sidoo kalena ay tageen madaxda dawlad goboleedyada, maanta waxaa lagu wadaa in Madaxwaynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Garoowe gaaro.

Kullankaan sida lagu wada waxaa si gaar ah diiradda lagu saari doonaa arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close