Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo kumanaan shacab ah kula hadlay garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo ee caasimada Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur ee xarunta gobaka Bakool.

Ra’iisal wasaaraha waxaa booqashadaan waxaa garoonka kusoo dhaweeyay  Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Waasiirro, Xildhibaanno, maamulka gobalka Bakool iyo degmada Xudur, iyo dadweyne kale.

u jeedada uu Ra’iisal wasaare Khayre  u tagay magaalada Xudur ayaa ah sidii  uu wax badan ugu ogaan lahaa baahiyaha ay qabaan bulshada Koonfur Galbeed, si loo fuliyo mashaariic horumarineed oo waxtar u leh horumarka bulshada iyo deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa waxa uu kula hadlay garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi, waxa uuna maamulka iyo shacabka degmada Xudur iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ee wafdiga uu hoggaaminayo u sameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Xudur waxa uu la kulmayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka gobalka Bakool, si uu uga dhageysto xaaladda gobalka iyo talooyinkooda ku aaddan dib-u-kabashada deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close