Wararka

Madaxweynaha Deni iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Dib Ugu Soo Laabtay Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dibadda , gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Abuukaate Cabdcasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka iyo Kan degmada Garoowe iyo qeybo ka mid ah bulshada.

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ay maalmihii u dambeeyay safar ku joogeen wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka, isla markaana ay booqashadu ugu soo dhammaatay guul.Image may contain: 4 people, people standing, wedding, suit and outdoorImage may contain: 2 people, sky and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, wedding, sky and outdoorImage may contain: 6 people, wedding and suitImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, wedding and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close