Wararka

madaxweynaha Maraykanka oo goob joog ka ah munasabada 18-sano guuradii kasoo wareegtay weerarkii ka dhacay U.S.

madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo marwada koowaad ee dalkaasi Maraykanka ayaa hadda ku sugan aqalka Pentagon-ka oo ay ka dhacayso xaflada lagu xasuusanaayo dadkii ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday dhismayaashii Mataanaha.

maanta oo kale, 18 sano ka hor ayay shacabkii Maraykanka u aheyd maalin madoow kadib markii diyaarada rakaab oo lasoo afduubtay lagu weeraray dhismayaashii mataanaha ahaa ee ku yaalay caasimada New York ee xaruntii ganacsiga adduunka.

18-sano guuradii kasoo wareegatay weerarkaasi oo dhacay 11 kii bishii September sanadkii 2001-dii ayaa waxaa caawo laga xusayaa dhamaanba Magaalooyinka Maraykanka waxaana dhamaadka munaasabada la aqrin doonaa dhamaan magacyadii dadkii ku geeriyooday weeerarkaasi waxaana jiri doona lix daqiiqadood oo aamsunaan ah kuwaas oo lagu maamuusi doona sida atan: labada daqiiqo ee ugu horeeyo ayaa lagu xusi doonaa dadkii ku nafwaayay weerarkaasi, labada daqiiqad ee xigta ayaa iyaguna lagu xusi doonaa labadhii dhisme ee mataanaha ahaa ee bur buray halka labada kale ee soo hartay lagu kala xusi doona diyaaradihii ku kala dhacay aqalka Pentagon-ka iyo tii afaraad ee iyaduna ku dhacday Magaalada Shanksville ee gobolka Pennsylvania.Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people standing, wedding and outdoorImage may contain: 1 person, standing, suit, shoes and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close