Ciyaaraha

Liverpool oo xidig bandhig wanaagsan ku jira siineeyso heshiis cusub.

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato daafaca dhexe ee joel matip kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay laga bilaabo qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore xidiga reer Cameroon ayaa boos joogto ah ka helay kooxda Liverpool.

isaga oo lamaane cajiib ah la sameeyay daafaca virgil van Dijk kadib dhaawacyadii soo noq-noqday  ee joe Gomez Dejan lovren matip ayaa ka faa,idaystay dhaawacyadii soo gaadhay labada xidig isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kooxdana u noqday xidig aanay kooxdu ka maarmi Karin.

wargayska the athletic ayaa  sheegaya in ay kooxda Liverpool qorshaynayo in ay wakhtiga soo socda heshiis ka saxiixato xidiga matip si ay mustaqbalkiisa ugu hubiyaan kooxda matip ayaa si fiican ku bilowday  xili ciyaareedka isaga oo goolalka dhaliyay kooxaha Arsenal iyo man city kulamadii xili  ciyaareedkan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close