Wararka

Macalimiinta Soomaaliyeed oo loo furay Barnaamij tababar ah.

Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS  Injineer Cabdulaahi Abuukar Xaaji, (Cabdulaahi Carab), ayaa daah furay Barnaamijka Tababarka Macalimiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda mudane Cabdiraxmaan Cabdule Jaabiri, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Mohamed Abbi Hassan, agaasime yaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarshadda Dowlad Goboleedyada iyo bahwadaagta Waxbarshadda Soomaaliya.
Wasiirka Waxbarshadda oo ka hadlay munaasabada daah furka ayaa sheeegay in muddo Sanada ah (1 Sano), ay Wasaaradda Waxbarashadda oo kaashanaysa Maamul goboleyada ay Tababari doonaan in ka badan 2000, oo macalin, kuwaasi oo hada barayaal ka ah Dugsiyada dalka si kor loogu qaado Tayada Waxbarashada dalka, Aqoonta iyo xirfada macallimiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Hey’adda CareInternational iyo Sanduuqa Iskaashiga Waxbarshadda Caalamiga ah (GPE), garab istaagooda horumarinta Waxbarshadda Soomaaliya.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close