Wararka

Cali Yare “Ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo”

Guddoomiye ku xigeenka Amiga iyo siyaasadda gobolka Banadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo maanta ku sii jeeday dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in safarkiisa uu is hortaag ku sameeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

“Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen.” ayuu yiri Cali Yare.

Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sheegay in marnaha madaxda Hay’adda NISA aysan wax is hortaag ah ku samayn isaga iyo wafdigii la socday oo safar u ahaa Galmudug.

“Ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda” ayuu yiri Cali Yare. Waxaa uuna u mahadnaqay Madaxda dowlada Federaalka oo uu sheegay in ay sameeyeen “dadaalkasta oo Madaxweyne Qoorqoor ay ugu qancin kareen inuu aragtidiisa badalo.”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close