Wararka

Kulan ku saabsan sidii Sucuudigu ay dib ugu furi lahayd dhoofka Xoolaha Soomaaliya..

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa maanta shir kula yeeshay xarunta Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee Muqdisho danjiraha Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Almuwalad.
Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ay kaga wada hadleen labada masuul xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Boqortooyada Sucuudigu ay dib ugu furi lahayd dhoofka Xoolaha Soomaaliya oo in muddo ah hakad kujiray.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya & Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soojireen ah dhankan ganacsiga xoolaha & wax wadaqabsiga labada dal, isla markaana ay dowladda soomaaliya diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato.
Danjire Axmed Bin Maxamed Almuwalad ayaa soodhoweeyey in dib loo bilaabo dhoofka xoolaha Soomaaliyeed ee Boqortooyada sucuudiga, waxa uuna rajo fiican ka muujiyey in sida ugu dhakhsaha badan ay u bilaabi doonaan.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey dedaal xoog leh ugu jiratay sidii dib loogu bilaaabi lahaa dhoofka xoolaha ee Boqortooyada sucuudiga.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close