Wararka

(Akhrios): Taarikh noolaleedka Dhaqtaradii Gil Gishay Qalbiyada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah u naxaristee Hooya Drs Xaawo Abdi oo loo aqoon ogyahay mama Xawo taas oo inbadan oo noolashayda ah soo galisay wax u qabashada dadka danta yar gaar ahaan dhanka caafimaadka.

Allaha u naxariistee,Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxey ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan degmada Cabdicasiis sannadkii 1947-dii.

Dr. Xaawo waxbarashadeedii dugsiga dhexe iyo sare waxay ku qaadatay magaalada Muqdisho, August 28, 1964-kii ay u amba-baxday dalka dibaddiisa oo ay culuumta caafimaadka kasoo diyaarisay waddamada Yaman, Masar iyo Ruushka.

Sannadkii 1971-dii ayay dib ugu soo laabatay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo shaqo ka billowday isbitaalladii dalka ka jiray waqtigaas oo ay ka mid ahayeen Digfeer, Madiina. Dr.Xaawo Cabdi Dhiblaawe ayaa sidoo kale muddo 14-sano ah barre ka aheed kulliyada culuumta caafimaadk ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Burburkii kaddib Dr. Xaawo waxay dareentay in xaalad adag ay ka jirto qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan deegaannada ku hareereysayn Caasimadda, waxayna xilligaas bilowday in ay sameeyso Isbitaal ugaar ah Haweenka, waxayna qolyar oo ay dumarku ku umulaan ka furtay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo hadda loo yaqaano degaanka Xaawo Cabdi.

Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi kuma aysan ekaan kaliya isbitaal in ay halkaas ka hirgeliso ee waxay dib u dejin u sameysay qoysas kusoo barakacay deegaanka ay isbitaalka ka furtay oo ugu dambeyn iyada loogu magac daray.

Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi waxaa ay sanadkii 2012 loo magacaabay Bilada nabada ee loo yaqaano Nobel Peace Prize, Sidoo kale waxaa lagu amaal mariyay haweeneydii ugu saamaynta badneed ee mu’asasada (WITW) Women of Impact Award from the Foundation.

Abaal marinada kale ee ay Dr. Xaawo Cabdi ku guulaysatay waxaa kamid ah; Abaalmarinta Roosevelt Four Freedoms Award 2014-kii, Abaalmarinta dhismaha nabada ee Pilosio Building Peace Award 2015-kii.

25-kii bishii May, 2017, ayay bilad sharafeed Qanuunka Dhaqtarka ka heshay Jaamacada Harvard.
Intii ay nooleed Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi waxaa ay heeshay abaal marino kala duwan oo qiima iyo sharaf ay ku heshay waxaana geerideeda ka naxay dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Hooyadii Dhashay Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi waxaa ay dhimatay ayadoo 12 sano jir ah, kadib waxaa kusoo wareegay shaqadii guriga iyadoo soo korisay afar gabdhood oo la dhalatay madama ay ayadu aheed curuda reerka. Aabaheed Cabdi ayaana ahaa ruux aqoon yahan ah.

Horaantii 1958-kii mama Xaawo waxaa ay guursatay ninkii ugu horeeyay. Guurkaas oo in muddo ah qaatay ayaa dhamaaday ka hor inta aysan aqoon kororsi ugu bixin Magaalada Moscow. Kadib waxaa ay dalka Ruushka ku baratay Aden Mohammed oo ahaa arday ay isla socdeen.

Sanadkii 1973-dii ayay is guursadeen Dr. Xaawo Cabdi iyo Aden Mohammed waxaa ayna dhashay laba sana ka dib guurkeeda cunigii ugu horeeyay. caruurtooda waxaa kamid ah; Deqo, Amina, iyo Ahmed. Ahmed ayaa dhintay sanadkii 2005-tii kadib shil gaari oo uu ku galay Magaalada Hargayso xili uu safar u sii ahaa Aabihiis Cabdi. Deeqo iyo Aamino labaduna haatan waa dhaqaatir.

Sayigii ay caruurta kala dhaleen Hooya Xaawo ayaa isna ku geeriyooday Isbitaalka Kuala Lumpar ee dalka Malaysia xili uu maraayay Qaliin caafimaad.

Waxaa Geerideyda ka tacsiyeeyay Dowlada federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo siihayaha xilka Ra’isalw wasaaraha dalka Mahdi Mohamed Guleed Khadar oo ku tilmaamay hooya Xaawo Cadbid in ay aheed halyey Soomaaliyeed laguna xasuusan doona doorkii ay dalka kasoo qaadatay samata bixintiisa.

“Inna lillaahi waa inna illayhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Allahu naxariistee marxuumad Dr. Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo aan ku xusuusan doonno dowrkii muuqday ee ay ku lahayd badbaadada shacabka soomaaliyeed ee nugul. Waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo” ayuu Mahdo Guleed kusoo qoray Boggiisa facebook ga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close