Wararka

Kulanka wadatashiyada Istiratiijiyadda Maalgashiga Qaranka oo maanta Mugdisho lagu soo Idleeyay.

Waxaa Maanta Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka ka qabsoomay kulan wada tashi ah oo loo qabtay Ganacsadata Soomaaliyeed oo ay hor-kaceyso Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed waxaana shirka qabtay Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga [SOMINVEST] oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Kulankaan waxaa kasoo qeyb galay ganacsato ay ka mid yihiin Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Ganacsatada Warshadaha, Beeraha, Xoolaha, Kalluumeystada, Dalxiiska iyo Martigelinta iyo sidoo kale Dhismaha.

Shirka ayaa inyii uu socday waxaa diiiradda lagu saaray ahmiyadda uu leeyahay maalgashiga shisheeye iyo sida ku haboon maalgashiga shisheeye waxaana dood dheer kadib la soo bandhigay qeybaha ku habboon maalgashi shisheeye iyo sida loo xaqijin karo ilaalinta maalgshade-yaasha shisheeye.

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga ee SOMINVEST ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu kulamo wadatashi ah la qaatay hey’adaha Dowladda Federaalka ee qaabil-san dhanka Ganacsiga, Dowlad Goboleedyada maanta oo ay taariikhdu tahay 7da Ogoosto, 2019 waxa uu xafiiska qabtay wadatashi lala yeeshay Ganacsatada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Kulankaan ayaana maanta ugu danbeeyay wadatashiyada Istiratiijiyadda Maalgashiga Qaranka, waxaana dhawaan la marin doonaa hannaanka xaqiijinta daruuriga ah ka hor inta aan la hor-geyn Golaha Wasiirada si ay uga doodaan una ansixiyaan.

3

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close