Wararka

Alla U Naxriistee Meyda Marxuum Engineer Yariisow oo Maanta Lagu Wado In La Keeno Muqdisho Aas-qarana Logu sameeyo.

Iyadoo lagu jiro qaban qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa la sheegay in meydkiisa Maanta oo sabti ah la keenayo magaalada muqdisho.

Guddiga loo saaray qaban qaabada Aaska Qaran ayaa sheegay inay socoto howsha diyaar garowga aaskiisa, waxaana Guddigan uu isugu jira kuwa diyaarinaya goobta aaska, amniga iyo hab maamuuska qaran ee loo aasi doono Meydka Guddoomiye Yariisow.

Diyaarad gaar ah ayaa la filayaa in meydka Eng. Yariisow ka soo Dejiso Muqdisho, iyadoo ay wehliyaan Qoyskiisa oo ka Soo raacaya Magaaalda Dooxa iyo Safiirka Soomaaliya ee dalkaas u fadhiya.

Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacamay qarax ka dhacay gudaha xarunta maamulka Gobolka ayaa ugu dambeyn u geeriyooday dhaawacaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close