Wararka

95-ruux oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay caasimada Kabul ee Afghanistan.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka ee dalka Afgahanstan 95 ruux ayaa dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacay magaalada kaabuul ee Caasimada Dalka Afgahanstan.

Wasiirka arrimahama guddaha Afghanistan Nasrat Rahimi oo ka warbixiyay qaraxaas ismiidaaminta ahaa ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dhacay bar kontorool oo aan sidaa ugu dheereen saldhig Boolis oo meesha ku yaala.

Sidoo kale afhayeen u hadlay wasaaradda Caafimadka ee Afghanistan oo layiraahdo Wahidullah Mayar ayaa sheegay in 95-ruux oo qaraxa ku dhaawacmay ay ubadanyihiin haween iyo caruur loona qaaday Isbitaalo goobtaas ka ag dhawaa.

Kooxda Taalibaan oo dagaal kula jirto xukuumada Kabul ayaa durbadiiba sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi.

Weerarkaan ayaa imaaniyo iyadoo doorashada dalkaas in ay ka dhacdo lagu wado 28-ka bisha September ee sanadkaan iyadoo kooxda taalibaanna ay ka maqantahay doorashadaas waxaa ayna wacad ku mareen in ay weerari doonaan goobaha doorashada ka dhacayso.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close