Wararka

Guddiga Dhaqaalaha ee golaha Aqalka Sare oo su’aalo ku aadan Hindise-sharciyeedka Shirkadaha weydiiyay wasiirka Ganacsiga XFS.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadah, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee golaha Aqalka Sare ayaa Maanta kulan la qaatay qaatay Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Xubno ka socday wasaarada oo ay qeeyb kayihiin sharci yaqaanada wasaarada.

Kulanka ayaa ahaa mid la’iska xogwareysanaayay hindise sharciyeedka Shirkadaha waxaana su’aalo khusiiyo Hindise-sharciyeedka Shirkadaha lagu weydiiyay Wasiirka wasaarada Ganacsiga xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng Cabullaahi Cali Xasan.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gudiga Senatar Cabdi Axmded Dhuxlow (Dhegdheer), wasiirka wasaarada Ganacsiga XFS Eng Cabullaahi Cali Xasan , xubno ka tirsan guddiga iyo sidoo kale qubaro ku xeel dheer arrimaha ganacsiga

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadah, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ayaa 24/07/2019 si rasmi ah ula wareegay Sharciga Shirkadaha oo ka soo gudbay Golaha Shacabka, kaas oo soo gaaray Golaha Aqalka Sare 13/07/ 2019 lana marsiiyay akhrinta kowaad 23/07/2019.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close