Ciyaaraha

KOOXDA PSG OO LABA KOOX U BANDHIGTAY SAXIIXA NEYMAR SI BARCELONA UGU BIIRIN

KOOXDA PSG OO LABA KOOX U BANDHIGTAY SAXIIXA NEYMAR SI BARCELONA UGU BIIRIN

Kooxda Psg ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in uu Neymar ku biro kooxaha Real Madrid ama Man united ikana diido kooxda Barcelona inta lagu jiro xagaagan sida ay sheegayaan wararka xidiga Psg ee Neymar ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Barcelona xagaagan kadib markii uu laba sano ka hor ugu biiray lacaga rikoodhka aduunka galay.

Xagaagii 2017-dii Neymar ayaa noqday xidiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kadib markii uu Psg ugu biiray lacag dhan 222milyan Euro ah laakiin Neymar ayaaka shalaayay go,aankaas  waxana uu si aad ah u doonayaa in uu haatan isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan Barcelona ayaa ugu cad-cad saxiixa xidiga inkasta oo ay 120milyan oo euro kula soo wareegtay xidigii hore ee Atletico Madrid Antoine Griezman

Kooxda Man United iyo Real Madrid ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa xidiga reer Brazil  wargayska sport ayaa sheegaya in ay Psg doonayso in ay ka iibiso midkood kooxaha Real Madrid ama Man United sababta ay Psg u diidantahay in ay Barcelona ka iibiso Neymar ayaa ah in ay ka xanaaqsantahay wadadii ay Barcelona isugu dayday in ay xidigeeda kula saxiixato sanadkii lasoo dhaafay 3sano ka hor Barcelona ayaa ku fashilantay isku day ay ku doonaysay daafacyada reer Brazil Silva iyo Marguinhos

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close