Ciyaaraha

Hordhaca real Madrid vs Osasuna.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Osasuna kulan ka tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka la liga kulan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabue. los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wataan guulaha kadib guushii cariiriga aheed ee ka gaareen kooxda  sevilla axadii.

Dhanka kale Osasuna oo ka yaabsatay kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay ila wadadaas mariso kooxda Real Madrid marka ay ka hor tagaan kulanka ayaa ladaawan doonaa caawa 10:00-ka habeenimo.

xaqiiqooyinka kulanka

kooxda Osasuna 8-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka la liga iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee ka soo gaadhay ahayd Janury 2011-kii.

Real Madrid ayaa badisay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Osasuna ku marti galisay garoonkeeda  Santiago Bernabue iyada oo cel-celis ahaan ka dhalisay 3.4 gool.

Osasuna ayaan guuldaro la kulmin 5tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka la liga hal guul iyo 4bar-baro ayay galeen iyaga oo 4-tii kulan ee ugu dambeeyay bar-baro galay.

Real Madrid ayaa ku fashilantay in  ay ilaashadaan shabaqooda 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda iyada oo markii ugu dheerayd ee ay shabaqeeda ilaashan waydo ayaa ahayd April 2015-kii markaas oo ay 5 kulan ilaashan waayeen shabaqooda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close