Wararka

Emery oo talo ka helay xidig hore oo Arsenal ah.

Daafaca kooxda Arsenal ee David luiz ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda Arsenal suuqa xagaaga kadib markii uu kaga biiray kooxda ay isku magaalada yihiin ee Chelsea isaga oo ugu biiray lacag dhan 8milyan oo Eauro ah.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay in uu David luiz Arsenal u noqon doono kabtan fiican isaga oo waliba sheegay saddex sabab oo ay tahay in David luiz loogu magacaabo kabtanka 1-aad ee kooxda Arsenal.

Tababaraha Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay in uu magacaabi doono  5 kabtan oo kooxdiisa hogaamin doona xili ciyaareedkan ka hor kulanka Man United ee asbuuca soo aadan dhax mari doono.

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit xhaka ayaa ilaa haatan xili ciyaareedkan xidhay calaamada kabtanimada kooxda Arsenal isaga oo waliba la kulmay dhaleecayn xoogan laakiin Merson ayaa sheegay in uuna Emery wax fikir ah ka haysan waxa uu qabanayo isaga oo waliba sheegay in uuna wakhti iska lumin David luiz-na u magacaabo kabtanka kooxda Arsenal.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close