Wararka

Jubaland oo shaacisay in ay dib u dhacday xafladii caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay dib u dhacday xafladii caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam taas oo lagu waday in ay Kismayo ka qabsoonta 26-ka Bishaan oo ku beegan maalinimada Barito ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madoobe) ayaa lagu wargaliyay dhamaan madaxdii iyo marti sharaftii lagu casuumay xaflada Caleema saarka Jubbaland in ay dib u dhacday waloow aan la sheegin xiliga xiga ee ay qabsoomi doonta.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeysay dib u dhacaasi dowlada Federaalka ah iyagoo sheegay in wafdi kasocday labada Gole ee BJFS kuwaas oo doonaayay in ay ka qayb galaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland loodiiday in ay Kismayo u soo dhoofaan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhamaystiran:

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close