Wararka

Guddomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo hay’addaha samafal iyo beesha Caalamka ugu baaqay in gargaar la gaarsiiyo shacabka Awdheegle.

Ibraahim Aadan Cali Najax, Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulan la qaatay hay’adaha samafal iyo beesha Caalamka waxaa uuna hay’addaha kala hadlay Sidiii  gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka degmada Awdheegle iyo deegaanada kale ee dhowaan la wareegeen ciidanka Xogga dalka Soomaalityeed.

Kulanka uu guddoomiye Najax la qaatay hay’adaha samafal iyo beesha Caalamka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas”uuliyiin ka socdey Xafiiska ra’isul wasaaraha, Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlada dhexe ee dalka iyo agaasimaha guud ee Wasaradda arrimaha gudaha Dowlada gobaleedka Koonfur Galbeedka Soomaaliya.

Ciidanka Xogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay howl-gallo ka wadaan deeganada gobolka shabeellada Hoose iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah oo ay kamid tahay degmada Awdheegle.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close