Wararka

Seddex Mayor oo dalka Turkiga xilka laga qaaday.

Waxaa maanta xilka laga xayuubiyay seddex Mayor  oo katirsanaa Ismaamulka Kurdiyinta dalka Turkiya kadib markii lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanyihiin kooxda PKK ee dagaalka kula jirta dowlada Turkiga  sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka arrimaha guddaha Turkiga.

Seddexdaan Mayor  oo lagu soo eedeeyay in ay kamid yihiin kooxda PKK oo dagaalka kula jirta dowlada Turkiga ayaa waxaa ay xilalka ka hayeen Magaalooyinka Diyarbakir, Mardin iyo Van.

Sidoo kale Booliska Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay kudhawaad 418 ruux kuwaas oo lala xariirinaayo in ay gacan saar laliiyihiin kooxda PKK waxaana laga soo qab-qabtay 29-gobol oo ka tirsan Ismaamulka Kurdiyiinta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close