Wararka

Shirka Wasiirrada warfaafinta federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo maalintiisi labaad galay.

Waxaa maanta maalintiisi labaad galay shirka wadatashiga Wasiirrada warfaafinta federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo uu shalay furay wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Shirka waxaa maanta lagu casuumay madaxda warbaahinta madaxa bannaan iyo  bulshada rayidka ah waxaaba looga doodiyaa sidii looga qeyb qaadan lahaa wacyigelinta bulshada.

Ka qeyb galeyaasha shirka ayaa wasiirrada ka dhageystay warbixinno ku saabsan wacyigelinta qaranka iyo qorshayaasha dowladda, iyagoo la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin ay u soo jeediyeen dowladda gaar ahaan wasaaradaha warfaafinta heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close