Wararka

DOWLADA SOOMAALI OO DIB UGA NOQOTAY DHAMMAAN HESHIISYO AY LA GASHAY SHAN SHIRKADOOD.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga noqotay dhammaan heshiisyadii bedqabka Gaadiidka ee ay la gashay Shan shirkadood, kuwaas oo horay loo siiyay ruqsadda ka shaqeynta bedqabka Gaadiidka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu baabi’iyay heshiis ay Wasaaraddu la gashay shirkadahaasi, kuwaas oo ruqsad u haystay hubinta bedqabka Gaadiidka.

“Waxaa gabi ahaanba la joojiyay tijaabada bedqabka Gaadiidka Ministry of transport test (MOT) ama (Kalaawito), waxaana la farayaa hay’adaha Dowladda ee ay arrintani khuseyso in ay dhaqan galiyaan go’aankan, ayaa lagu yiro qoraalka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa bixisa shatiyo waqtiyaysan, isla markaana waxaa ay tartan gelisaa shirkadaha danaynaya in ay bixiyaan adeegga Bulsho ee loo baahan yahay si loo helo shirkado xirfado sare leh, kuwaas oo si hufan uga shaqeeya bedqabka Gaadiidka.

HOOS KA DAAWO QORAALKA WASAARADDA KASOO BAXAY:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close