Wararka

Dowlada Maraykanka oo soo dhaweysay heshiiska dhexmaray dowlada federalka iyo Ahlu Sunna.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda Ahlu Sunna Waljama’a.

Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowlada Mareykanka ay ka go’antahay taageerida dadaalada loogu jiro Amniga iyo xasiloonida dalka.

“Donald Yamamoto ayaa yiri” Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay taageerto dedaalladan, isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni”. ayuu yiri Amb. Donald Y. Yamamoto.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay Dowladdiisu bogaadineyso gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay, kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada Dowlad Goboleedka Galmudug oo door muhiim ah uga jirto dedaallada kala duwan ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

“Waxaan aqoonsan nahay dedaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro Dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen Labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qeybsiga wakiilnimada Baarlamaanka, waxaanan dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska” ayuu yiri Danjiruhu.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa Galmudug ku tilmaamay Gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Safaaraddiisu ka go’an tahay in ay fududeyso gargaarka Bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee Dadka reer Galmudug.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close