Wararka

Wasiir Bayle oo kulan la qaatay madax kasocotay Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kusugan dalka Itoobiya ayaa maanta kulamo la qaatay madax kasocotay hay’adda lacagaha adduunka ee IMF oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha hay’adda IMF Soomaaliya Allison Holland iyo masuuliyiin kasocotay bangiga adduunka.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlaayay sare u qaadida dhaqaalaha Dowlada Soomaaliya waxaana lagu gorfeeyay waxyaabihii ka qabsoomay kulamadii kan ka horeeyay iyo heerka ay marayso deen cafinta Soomaaliya.

Wasiirka oo war-qoraal ah soo dhigay bartiisa Tweeter-ka ayaa sheegay in kulamada uu maanta magaalada Addis Ababa kula yeeshay masuuliyiintaasi uu ahaa ku mira dhal ah ayna isku afgarteen isaga iyo madaxdii kasocotay hay’adda IMF iyo Bangiga Addunka.

ImageImageImage

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close