Wararka

Madaxweyne Bixi oo kormeer ku tagay  Mashaariicda Wax Soo Saarka Beeraha ee Banka Wajaale Ka Socda.

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku welinaayay  wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, taliyaha ciidanka qaranka iyo maamulka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, waxaa ayna soo indho-indheeyeyn mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale.

Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan.

Madaxweynaha waxaa halka ay waxmarayaan ugu warbixiyay  masuuliyiinta gacanta ku hayso mashaariicdaan oo lagu beriyo dalag ay dadka reer Somaliland anfac galiyo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa  kula dardaarmay shaqaalaha inay sii libin-laabaan dedaalkooda dhinaca wax soo saarka, isaga oo rejo wanaagsanna ka muujiyey in midhaha ka dhasha mashaariicdaasi ay sannadkan wax weyn ka dari doonaan baahida cunto ee ka jiro Somaliland.

“Tacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo” ayuu yiri Muuse Bixi.Image may contain: sky, grass, outdoor and natureImage may contain: sky, cloud, grass, outdoor and natureImage may contain: 1 person, smiling, riding a horse, sky, outdoor and natureImage may contain: dog, outdoor and natureImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, tree, sky, grass, outdoor and natureImage may contain: 5 people, people standing, sky, tree, outdoor and natureImage may contain: one or more people, sky, child, wedding, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close