Ciyaaraha

Barcelona mise Man United yaa ku horeeya baacsiga Deligt?

Xidiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax sida weyn loola xiriirinaayo kooxaha Man United & Barcelona ee Matthijs De Ligt ayaa ugu dambayn ka hadlay mustaqbalkiisa iyo waliba wakhtiga uu qaadan doona go’aan kama dambaysta ah.

Daafaca 19jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo jiitay kooxaha ugu waaweyn Yurub kadib markii uu Ajax kula guulaystay 2koob sidoo kale geeyay semi-finalka tartanka Champions league.

Kooxda Barcelona ayaa jawaab ka sugaysa xidiga kadib markii ay dalab ka gudbiyeen adeegiisa inkasta uu u wargayska Marca iyo qaar kaleba sheegayaan in ay Man United haatan kaga horayso baacsiga xidiga Barcelona.

“sida iska cad premier league waa horyaal weyn si la mid ah horyaalka La liga” ayuu u sheegay  ESPN.

“ilaa haatan waxba kama ogi meesha uu mustaqbalkaygu yaalo”

“ugu horayn waxa aan diirada saarayaa labada kulan ee UEFA national league kadib waan eegi doonaa waxa dhaca”

Xulka qaranka Holland ayaa la ciyaari doona  xulka England semi-finalka tartanka ka hor inta ayna wajihin xulka Portugal ama Swotzerland midkooda soo baxa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close