Wararka

Faafin kasoo baxayso Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Magaalada Mugdisho waxaa maanta ka dhacay qaraxyo gaystay dhimasha iyo dhaawac waxaana qaraxa koowaad la sheegay in uu ku dhaawacmay guddoomiya Kuxigeenka Degmada Kaxda Abdinasir Hassan Ali, sidoo kale waxaa ay wararka qaar sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhinteen  seddex kamid ah ilaaladiisa.

Qaraxaan ayaa haleelay gaariga uu watay guddoomiya Kuxigeenka Degmada Kaxda waxaana sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah xaafada Xoosh ee degmada Dharkinle muujinaayeen bur bur xoogan oo soo gaaray Gaariga.

Sidoo kale Qarax kale ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhaw Isgoyska ex-contro Balcad kaas oo sida la sheegay lagu weeraray Kolanka ciidama ah oo ay siteen ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa.

Waa Isla asbuuc u’n gudahiisa xili ay Qaraxyadaan kusoo aadayaan iyadoo maalmihii ugu danbeeyay qaarxyo lala eegtay kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-yada ku xiran isgooysyada dambka iyo waddada Makka-Almukarama.

Dowlada Soomaaliya ayaa qaraxyada noocaani ah ku eedeysa Kooxda Al-shabaab oo dhawaan sheegtay qaraxii qasaaraha badnaa ee ka dhacay isgoyska ex-control Afgooye.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close