Wararka

Ciidamada amaanka dalka Nepal oo soo saaray meed ku hoos jiray dhisma uu qarax haleelay.

Ciidamada amaanka dalka Nepal ayaa soo saaray meyd ku hoos jiray dhismo uu haleelay qaraxyo shalay ka dhacay caasimada Nepal ee Kathmandu.

Qaraxyadii shalay ka dhacay dalka Nepal waxaa ku dhintay afar ruux halka toddaba kala ay ku dhaawacmeen waxaana dhaawacyada loo qaaday Isbitaalada ku yaalla gudaha caasimada Nepal .

Inkastoo aysan jirin cid sheegtay mas’uuliyadda qaraxyaddii shalay ka dhacay Magaalada caasimadda ee Kathmandu haddana Booliska Nepal ayaa ku eedeeyay in ay qaraxyadaas ka danbeeyeen kooxda hanta wadaaga ee kasoo horjeeda xukuumada talada haysa .

Kooxdan hanta-wadagga ayaa xukuumada Nepal dagaal kula jirtay laga soo bilaabo sanadii 1996 ilaa 2006  haseyeeshee Dowlada Nepal ayaa mamnuucday dhammaan dhaq-dhaqaaqyada kooxdan ee gudaha dalkaasi si aysan saameyn ugu yeelan shacabka ku nool Nepal.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close