Ciyaaraha

Taageerayaasha ReaL Madrid oo doortay badalka Ramos.

Waxa maalimihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay warar lama filaan ah oo ka soo baxay mustaqbalka daafaca ahana kabtanka kooxda Real Madrid  ee Sergio Ramos kaas oo la sheegayo in uu ka fiirsanayo in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta Santiago Bernabue.

Wargayska AS ayaa arintaas uga faa’iidaystay in ay ku ogaadaan fikirka taageerayaasha kooxda Real Madrid iyo waliba xidigaha ay doonayaan in lagu buuxiyo booska kabtankooda Real Madrid ee Sergio Ramos hadii uu isaga tago kooxda xagaaga.

Taageerayaasha Real ayaa doortay laba xidig oo ay doonayaan in ay badal u noqdaan kabtan Ramos hadii uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Daafaca ugu horeeya ayaa ah daafaca kooxda Liverpool iyo xulka Holland ee Virgil Van Dijk halka uu daafaca kale yahay daafaca kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close