Wararka

216-ruux oo isugu jiray Qaxooti iyo Muhaajiriin ah oo ay soo badbaadiyeen Ciidamada ilaalada xeebaha Malta.

Muhaajiriin badan ayaa u qul-qulaa xaybaha Badweynta Mediterranean-ka iyagoo qaarna quusa qaarna ay soo badbadiyaan Ciidamada ilaalada xeebaha Badweynta Mediterranean-ka.

216-ruux oo isugu jiray Qaxooti iyo Muhaajiriin ah oo sitay laba doona ayaa waxaa Badweynta Mediterranean-ka kasoo badbaadiyay Ciidamada ilaalada xeebaha Malta.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in maalinimadii Jimcaha labadaasi dooni laga soo qabtay meel Koonfur kaga began Malta,ka dib howlgallo  ay qaadeen ciidamada ilaalada xeebaha Malta.

Dadka ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Malta ayaa waxaa lagu soo waramiyaa in ay kamid ahaayenen Haweeneey uur leh iyo Caruur,kuwaas oo illaa hadda aan la xaqiijin dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Labadii maalin ee u danbaysay waxaa sare u kacay muhaajiriinta iyo qaxootiga ka soo hayaamayo dalalka Libya, Tunisia, iyo Algeria,waxaana magaalooyinka Sicily, Sardinia, iyo Lampedusa gaaray 12 dooni oo ay la socdeen qaxooti iyo dad Muhaajiriin ah, sare u kacaan muhaajiriinta ayaana sabab looga dhigayaa  Cimilada oo degan aawadeed.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close