Ciyaaraha

Juvantus oo labo xidig ku soo badalaneeyso Pogba.

Kooxda Juventus ayay ka go’antahay soo qaada shada  xidiga kooxda Man United ee Paul Pogba inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo haatan isku diyaarinaya in ay qorshe kale ulatagaan kooxda Man United si ay ugu qanciyaan in ay dib uga iibiyaan Pogba.

Juventus ayaa diyaarinaysa dalab ay ku jiraan xidigaha Paulo, Dybala iyo Alex sandro si ay Man United uga haleen saxiixa Paulo Pogba sida uu qoray wargayska EXPRESS.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus ku rajo weyn tahay in ay labada xidig hoos u dhigaan qiimaha 140milyan ee Euro ah ee ay Man United dul dhigtay madaxa xidiga Pogba.

Xidiga Dybala iyo Alex Sandro ayaa lala xiriirinayaa in ay isaga caraabayaan kooxda Juventus xagaagan kadib markii ay boos joogto ah ka waayeen kooxda Juventus.

26-jirka ayay doonaysaa in ay dib ugu celiso turin halkaas oo uu ku qaatay 4sano ka hor inta aanu xagaagii 2016-kii dib ugu laaban man United 105 milyan oo Euro ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close