Wararka

(AKHRISO): Hadal jeedintii musharaxiinta u tartanayso doorashada Madaxweynanimada Gowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Jubbaland ka socota hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan tartanka doorashada Madaxweynanimada Gowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo ay jireen musharaxiin iska casishay u tartamida doorashada Madaxweynanimada Jubbaland.

Musharaxiinta maanta hadalka jeediyay waxaa kamid aheyd haweeney iyadu u tartamayso jagada Madaxweynanimada Gowlad Goboleedka Jubbaland oo la yiraahdo Musharax Canab Maxamed waxaa ayna sheegtay in haddii la doorta ay waxbadan ka qaban doonta Amaanka deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Musharax Canab Maxame ayaa sidoo kale balan qaaday in ay waxbadan ka qaban doonta arrimaha caafimaadka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka waxaa ayna intaas ku dartay in ay samayn doonta goobo caafimaad oo daryeel joogto ah lagu baxiyo.

“Arrimaha caafimaadka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka ayaan wax badan ka qaban haddii la i doorto, waxaan sameyn goobo caafimaad oo daryeel joogto ah lagu baxsho gaar ahaan ubadka ayaan aad uga taxadari caafimaadkooda maadama aan Hooyo ahay”. Ayay tiri Musharax Canab Maxame.

Sidoo kale musharaxiinta maanta khudbadooda u jeediyay xildhibaanada cusub ee Jubbaland waxaa kamid ahaa musharax Maxamed Cumar Geedi isagoo sheegay in haddii ay xildhibaanada cusub codkooda siiyaan uu la imaan doona siyaasad mideysa Shacabka Jubbaland.

Sidoo kale musharax Maxamed Cumar Geedi ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu siin doona sareynta sharciga iyo kala danbeynta dadka Jubbaland waxaa uuna intaas ku daray in dowlada Goboleedka Jubbaland uu gaarsiin doona nidaamka Axsaabta badan si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan.

Musharax madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ah madaxweynihii uu haatan xilkiisu dhamaaday ayaa kamid ahaa dadkii maanta waxa ay qaban doonaan haddii ay noqdaan madaxweynaha Jubbaland ka hor sheegay xildhibaanada Cusub waxaa uuna khudbadiisa diiradda kusaaray waxii u qabsoomay intii uu talada Jubbaland haayay.

Musharax madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu dhisay Ciidan cudud leh oo tayaysan intii uu madaxweynaha ka ahaa Jubbaland sidoo kale lasugay amniga deeganada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale musharax Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kobcinta dhaqaalaha ay wax badan ka qabteen gaar ahaan dayactirka dekedda isagoo sheegay in ay dhawaan dekedda magaalada Kismayo kasoo saareen maraakib degay walina ay socota dayactirka dekedda.

musharax Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay dhanka garoomada diyaaraddaha waxaa uuna sheegay in horumar ay kasameeyeen dhanka hirgelinta garoomaha diyaaradaha ee degmooyinka Jubbaland.

Ugu danbeyn waxaa munaasabada khudbadiisa ka jeediyay Musharrax Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) isagoo sheegay in Amniga dowlada goboleedka Jubbaland uu ka shaqayn doona.

Waxaa intaas kusoo idlaaday hadaljeedintii maanta waxaana maanta khudbadooda jeediyay musharaxiinta kala ah; Axmed Maxamed Islaam, Canab Maxamed Daahir, Maxamed Cumar Geedi iyo Maxamuud Maxamed Cumar.

Maalinimada khamiista oo ku beegan 22/8/2019 ayaa laguwadaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweynanimada Jubbaland.

Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 6 people, people sittingNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close