Wararka

Wasiir Maareye oo guddoomiyay shir u dhaxeeyo  Dowlada iyo  Hay”adaha Daneeya Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha.

Waxaa maanta Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka ka furmay shir u dhaxeeyo Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay”adaha Daneeya Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha.

Kulanka Wadatashiga Dowladaha iyo  Hay”adaha Daneeya Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ayaa waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya wacyigelinta dadweynaha,iyadoo loo marayo dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta,taasi oo ahmiyad u leh in bulshada la fahamsiiyo hanaanka dowladnimo iyo dowrkoodi ku aadan dhinaca horumarka.

Kulnkaan waxaa Goob joog ka ahaa wasiirada Warfaafinta Dowlada Goboleedyada Dalka,kuwaasi oo Muqdisho uga qeybgalay shir ku saabsan istraatiijiyada Wacyigelinta Qaranka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close