Wararka

Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta La dhaariyey.

Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta lagu dhaariyay xasriga madaxtooyada Puntland waxaana dhaarinta guddigaam goobjoog ka ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/lahi Deni.

Madaxweyne Deni oo munaasabadda dhaarinta guddiga hadal kajeediyay ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

“Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntaland ayaa sidoo kale ka hadlay habka loosoo maray dhismaha Guddiga Kumeel Gaarka doorashooyinka Puntland waxaa uuna sheegay in latashiya badan oo uu la sameeyay dad kala duwan oo aqoon iyo waaya aragnima u leh arrimahaan uu Alla u suurta galiyay in  uu magacaabo guddigaan.

“Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cidwalba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu danbeyn  Madaxweynaha Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaan-doonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

“Duruufaha imaandoona anuu ka waramimaayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqondoonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qorilahaa”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.Image may contain: 8 people, people smiling, people standing, suit and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: 4 people, people standing and indoorImage may contain: 4 people, suit and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, living room, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close