Wararka

Madaxweyne Macron oo maanta lagu wado in uu kulan la qaato wasiiirka arrimaha dibadda dalka Iran.

Madaxweynaha dalka faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in maanta galinka danbo uu shir la yeesho wasiirka arrimaha dibadda dalka Iran Mohammad Javad Zarif xili ay jirta xiisad ka dhex aloosan bariga dhexe iyo dalka Maraykanka.

Faransiiska ayaa kamid ah dalalkii lixda ahaa ee heshiiska Baabi’inta Nukliyeerka lagalay dowlada Iran balse mareykanka ayaa heshiiskaas baabi’iyay waxaa uuna cunaqabateen dhaqaale saaray Iran.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tarsan dolwada faransiiska, shirka ayaa maanta qabsoomi doona wakhtiga 1000 GMT, ama 12000 xiliga Caasimada Paris ee dalkaasi Faransiiska.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa khamiistii sheegay in Iran ay la shaqeen doonta dowlada faransiiska ayna aqbashay war qad ay dowlada faransiiska ay u soo dirtay Iran balse aysan u dulqaadan doonin faragalinta Maraykanka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close