Wararka

(AKHRISO): Doorashada guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland oo soo dhamaatay iyo faahfain dhamaystiran.

Waxaa hadda soo edlaaday doorashada Gudddoonka Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland waxaana la shaaciyay xildhibaannadee ku guulaystay Guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland.

Kusimaha Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaacay in uu si rasmi ah guddoonka baarlamaanka 2-aad ee dowlad Doboleedka Jubbaland uu ku guulaystay xildhibaan Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan kaas oo helay 55 cod.

Xildhibaan Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u mahadceliyay dhamaan xildhibaanadii u codeeyay iyo kuwaan u codeyninba sidoo kale waxaa uu mahad u jeediyay Kusimihii  Guddoonka Baarlanaanka Jubbaland oo uu ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi dul-qaad leh oo siwacan ugu soo shir guddoomiyay intii ay socotay doorashada Baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaan Xuseen Shiinow oo ahaa shaqsigii kula tartamaayay Guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa helay 18-cod waxaa uuna ka hadlay madasha isagoo sheegay in doorashada uu ku qancay sida ay u dhacday.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowlad Goboledka Jubbaland, Sheeq Cabdi Shakuur ayaa ugu danbeyn dhaariyay  Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland xildhibaan Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Sidoo kale intii ay socotay doorashada dowlad baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ayaguna guulaystay Xildhibaan Aadan Khaliif oo noqday Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland iyadoo aysan jirin cid latartantay.

Xildhibaan Cabdi Baaleey Xuseen ayaa isaguna noqday Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland kadib markuu uu tanaasulay musharraxii la taagnaa.

Image may contain: one or more people, people on stage, living room and indoorImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 4 people, people sitting, shoes and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 7 people, people sittingImage may contain: one or more people, people standing, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and indoorImage may contain: one or more people, people standing and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close