Wararka

Booliska Somaliland oo soo qabtay nin dil ka gaystay gudaha magaalada Hargayso.

Ciidanka Booliiska maamulka Somaliland ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay dil xalay ka dhacay Xaafadda Qoob-dameeraad ee magaalada Hargeysa.

Sargaal u hadlay ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay  in ciidanka ay sameeyeen jidgooyin iyo baaritaano ay ku baadi-goobayeen gacan ku dhiiglaha ayna ugu danbeyn ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan.

Ninkii dilka gaystay oo lagu magacaabo Mustafe Sheikh Maxamed Faarax (Khaarajiye) oo da’diisa ay ku sheegeen 50 sano ayaa sida ay Booliska sheegeen waxaa uu xalay fiidkii dil u gaystay  nin kale oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Weyd (Caddaani) isna da’diisu ahayd 50 sano jir.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close