CiyaarahaWararka

Abaal marinta xidiga aduunka oo caawa labixin doono.

Xiriika kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saaray liiska u tartamayaasha abaal-marinada kala duwan ee the Best 2019 kaas oo ay u tartami doonaan xidigo tababarayaal iyo shaxda ugu fiican adduunka sanadka 2019.

Abaalmarinta oo uu sanadkii hore ku guulaystay xidiga luka modric ayay u tartami doonaan xidigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay sanadkii hore 2019 waxa xaqiiqo ah in uu xidig cusub ku guulaysan doono abaalmarinta maadaama uuna luka modric ee sanadkii hore ku guulaystay uuna difaacan doonin abaalmarinta  xaflada.

Abaalmarinta oo sanad walbo la qabto ayaa lagu qaban doonaa magaalada Milan  caawa oo isniin ah marka saacda geeska Africa tahay 9:00 habeenimo. xaflada ayaa lagu bixin doonaa 4 abaalmarin kuwaas oo kala ah xidiga ugu fiican adduunka, tababaraha adduunka, dhanka dumarka gabadha ugu fiican dhanka dumarka iyo tababaraha ugu fiican dhanka ra’ga laakiin abaalmarinta ugu muhiimsan ayaa ah tan xidiga adduunka waxaan u sharaxan Cristiano Ronaldo, Messi, Van Dijk, golhayaha ugu fiican adduunka Alisson, Ederson, Andre ter stegen halka tabaraha ugu fiican waxaana u sharaxan klopp, pep Guardiola iyo  maurico pochettino.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close