Wararka

Wasiirada Caafimaadka dalka Soomaaliya Drs. Fowzia Abiikar oo hishiis iskaashi lasaxiixatay dhigeeda dalka masar.

Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal.

Wuxuuna heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen uu ka tarjumayaa hogaanka suuban ee madaxda  dalalka Soomaaliya iyo Masar si loo sii horumariyo cilaaqaadka labada dal gaar ahaan sidii Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay dowladda Masar ugu taageeri laheyd horumarinta Caafimaadka ee dhinaacyada badan leh.

Wasiirada Caafimaadka Masar Drs Hala Zaid  ayaa markii qalinka lagu duugay heshiiskaasi hadal gaaban ay halkaa ka jeedisay waxa ay sheegtay inay dowladeeda ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya u gudbinta waaya aragnimada iyo khibrada dhanka caafimaadka,waxayna sheegtay inay u soo diri doonto Muqdisho  khubaro ku takhasxusay dhanka caafimaadka  kana shaqeeya daraasad dhanka gargaarka deg-dega ah iyo dhammaan arrimaha hawlaha caafimaadka la xiriira, kuwaas oo isla maarkaana kormeera nidaamka iyo wacyiga caafimaadka dalka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Dr. Khalid Mujahid oo ah afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiimad gaar ah siinayo in Soomaaliya laga Caawiyo Caafimaadka Guud kan Qoyska, Hooyada iyo dhallaanka.

Waxaana qeybka ah gar-gaarka deg-degga iyo tababaro la xiriir adeegyada Caafimaadka sida adeegyo Iskaashi oo dhanka Caafimaadka ah  oo dhaxmaro Labada dal.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close