Wararka

Kenya oo aan ka qayb gali doonin dhagaysiga Kiiska badda ee Hague.

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ku wargelisay in aanay ka qeyb geli doonin Dacwadda Badda ee Soomaaliya oo berri uu dhegeysigeedu ka furmi doono xarunta Maxkamadda oo ah magaalada Hague.

Sida ay faafisay Saxaafadda Kenya Qaarkeed, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa go’aanka Kenya oo qoraal ah ku wargeliyay Maxkamadda.

Ilo dhinaca Soomaaliya ah oo xog ogaal u ah dacwadda ayaa xaqiijiyay in Maxkamaddu ay Ergada Soomaaliya ku wargelisay baaqashada Kenya.

Warku wuxuu intaa ku daray in Ergada Soomaaliya oo iyadu diyaar ku ah magaalada Hague, ay sidii ay ballantu ahayd berri tegi doonto Maxkmadda si ay u jeediso dacwadda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close