Ciyaaraha

Xidig Barcelona katirsan oo  dhaawac soogaaray.

Masiimada kooxda Barcelona ee dhaawacyada xili ciyaareedkan bilowgiisa ayaa sii socota kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay xidiga u ciyaara kooxda Barcelona  intii uu ku jiray waajibaadka xulka qaranka Portugal.

xidiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Nelson Semedo ayuu dhaawac halis ah soo gaadhay intii uu ku jiray kulankii uu xulka Portugal guusha ka gaadhay xulka Serbia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka  Euro 2020-ka.

xidiga reer Portugal ayaa si xun u dhaawacmay intii ay ciyaartu socotay isaga oo dhamaysan kari waayay ciyaarta laguna qasbay in uu ka boxo ciyaarta.

Semedo ayuu dhaawacu soo gaadhay qaybtii dambe ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta iyada oo lagu badalay xidiga Man City ee Joao Cancel.

Xidigaan ayaa qolka dhaawacyada ee kooxda reer spain kula biirayo xidigaha Messi iyo Suarez oo haatan garoomada uga maqan dhaawacyo soo gaaray.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close