Ciyaaraha

Xidig ka tirsan Man United oo beeca xurta uga tagaayo kooxda

 xidigaha xulka qaranka Spain ayaa aaminsan in uu  David De gea dhamaysan doono heshiiska uu kula jiro Man United suuqa January-na raadsan doono koox cusub.

Golhayaha kooxda Man United ee David De Gea ayaa wadna xanuun ku riday kooxda Man United kadib markii uu dadka ku dhaw u sheegay in uu iska diidi doono heshiis cusub in uu u saxiixo Man United.

Golhayaha Man United ayaa joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxda Man United ee uu todobaadkii ugu qaadanyay 350-kun ee Kooxda Man United.

xidigaha xulka qaranka Spain ayaa aaminsan in uu  David De gea dhamaysan doono heshiiska uu kula jiro Man United suuqa January-na raadsan doono koox cusub.

28-jirkaan ayaa Iska diiday heshiis cusub oo ay Man United u soo  bandhigtay xili ciyaareedkii hore waxaana haatan heshiiskiisa ka dhiman kaliya 9-bilood ka hor inta uuna si xur ah uga tagin kooxda.

Waxa jiray hormar laga sameeyay wadahadaladii heshiis kordhinta xidiga xagaagan iyada oo xitaa la sheegayo in heshiis afka ah uu xidiga  la gaadhay kooxdiisa laakiin De Gea  ayaan ilaa haatan is dul dhigin qalinka iyo warqada mustaqbalkiisana u hibayn kooxda Man United oo la arki doono in uu saxiixo heshiiska miiska saran laakiin De Gea ayaa wal-wal  cusub ku riday kooxda Man United isaga oo haatan sheegay in uu dhagaysan doono dalabyada u imanaya waxaana si weyn u raadineeyso kooxda Juventus.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close